Xaqiiqada Shirkii Burco 1991-kii Ee Loo
Tixraaco Yagleelka Somaliland
Ø Adigoo xishood iyo aqoon xaakin ku ahaaday
Ø Haddii xalay waxaasaad fashiyo xumo laguu
sheegto
Ø Xanta iyo badheedhkaba haddii lagugu
xayd-xaydo
Ø Xujada waa furaa kii ogaa xaal siduu yahaye.
Ibo-furka Qormada
Bulsho kastaa ba marka ay doonayso in ay qaado toobiyaha ku tubban
waddada toosan ee guusha iyo gobanimada lagu hanto, waxaa habboon oo qumman in
ay dib ugu laabtaan iska na soo raad-qaadsiiyaan sooyaalkoodii hore wixii
uu soo meeray. Si ay libinta u libirsadaan ladnaanna ugu leddaan, waxaa
lama-huraan ah in ay si dhinmirsan oo degan u gorfeeyaan u na lafo-guraan wixii
keenay arbushka sirgacan iyo gunnimadan ku qandooda, iyo halka ay ka qudhantay
taladan u galgaal bixi kari la'.
Hubanti weeye, talada aan si madax bannaan oo wada-jir ah loo
miyirin ay maroorsamayso. Hadda ba bulshadeenna Soomaaliyeed, waxa aad og
tihiin in ay 36 gu' ay ku soo jirtay xaalad burbur, belo kicis iyo bayhoof ah.
Waa mid aad ka dheregsan tihiin 36-daas sanno in ay ahayd dad ku heshiin waayey
in ay gaadhaan talo waarta oo aayahooda u toosisa.
Jaalle hadda ba xaaladdaas aynu ku jirnay soddon iyo
jarjarkaas sanno, waxa aan ugu yeedhay "Diyowgii
Dadka Soomaaliyeed".
Dadkeennu waxa uu ka dhigan yahay qof madaxa ay kaga taalo
"doog" oo isaga oo diyowsan weliba gudaya habeen gudcura, kaas oo
marba isku qaadaya waddooyin toore iyo falfallo ah oo ay jiifaan halaqyo marka
uu arko hadda na dib uga soo laabanaya, oo hadda na isku qaadaya tub qarraxyo
lagu aasay, oo marka ay halkaasi na ku qarxadana hadda na dib uga soo cararaya.
Qofku marka uu xaalkiisu noocaas noqdo waxaa
foollaadsan inuu yara jiifsado si uu u miyirsado oo uu uga baxo xaaladdan
diyowga ah, dabadeedna uu kaco xilliga waa-berigu soo dhaw yahay ah ee xilliga
loo yaqaan "jiidhka". Goortaasna waxa toobboon inuu hareerahiisa
eego, sida oo kale na cirka jaleeco isaga oo dhaagaya xiddigaha xilligaas soo
baxa ee ay ka mid tahay "xiddigta waaberi". Intaas marka uu sameeyana
waa inuu raadkiisi hore dib u soo raacaa oo uu soo saxdaa halka uu dawgiisu ku
tubbanaa si uu u gaaro bartii uu u socday.
Hadda ba dadkeenna Soomaaliyeed oo ka dhigan qofkaas
diyowsan ee gudcurka damta ah gudaya, waxa habboon in la miyirsado oo dib la
isugu laabto, iyada oo labo dhinac (arrinta waqooyiga Soomaaliyeed
"Somaliland" iyo midnimada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliyeed) loo
dhugmo yeelanayo.
Waa marag-ma-doonto in laga gudbayo arrintan diyowga
ah iyo xadhkaha uu cadowga Soomaaliyeed inoo gamaamadayo.
--Gudcur raadki guuraha ku lumey waaga galacdiisa
--Gadaal subaxi waw goobi jirey ruuxa gurayaaye
--Xadhka gunudka waa laga gayoon ay gammaamadiye..(Dhoodaan).
Jaalle qormadani waa mid aan kugu seemi doono xog aadan hore u hayn,
waa na mid aan kaa soo raad-qaadsiin doono guyaal tegay halka ay ka soo
dalagantay xaaladdeennan maanta cawajsan.
Golnuugsiga Qormada
Hubaal weeye in dhacdooyinka aadanaha siyaalo kala duwan ay u
gaadhaan dad kala duwan, waqtiyo kala geddisan. Waxa aan soo ban-dhigayaa weji
aan hore loo faafin, oo ay goob-joogayaal shirkii Burco May 1991-kii iigu
xaqiijiyeen. Waxa aynu in badan maqalnaa shir beeleedkii Burco, ee beelaha reer
Waqooyigu ku aasaaseen Somaliland, bal se’ wixii dhacay ee dhab ahaan aan looga
dhergin ayaa aan waqti dheer iyo xog uruurin cilmiyeed ku soo koobay labadii
dharaarood ee shir-weynahaas loo nisbeenayey. Uma jeedo durriin iyo mucaaradad
midnaba, hase-ahaate waxaa xaqiiqadan soo socota ee maanta soo baxday marag
looga heli karaa intooda maanta nool ee ahaa ka qayb-galayaashii kulankii
Burco.
Ma qummana in qiiro iyo rabitaan qudheed lagu cabbiro dhabta
dhacdooyinka waayaha, waxaa se’ si weyn loo faafiyey xogo aan runta ku qotomin,
kuwaas oo buuxiyey kaalmihii iyo dareenadii dadka aan goob-joogga iyo
xogo-ogaalka midna ahayn. Bal qiyaas beelo waaweyn iyo jabhad weyn oo maalmo ka
hor colaadi ka dhex oognayd inay labo maalmood oo keliya, weliba gelin hore ku
gunaanadi karaan is af-garad, wada hadal, heshiisyo iyo dawlad-wadaag tiiyoo
aan loo marin maamul u dhexeeya ama ay ku wada jiraan xubno dadyowga kala duwan
ahi, oo loo doorto xog-hayno iyo shir-guddoonno hannaaniya hab u socodka talo
wadaag yeesha xeerar iyo tixraacyo, oo faallooyinka hir-gelay ku ambaqaadmi
kara.
Ha inoo dambeyso dareennadii iyo go’aannadii beelaha kala oodda
iyo siyaasadda ahaa, ee bariga, badhtamaha iyo galbeedka isaga yimi iyo
xaqiiqooyinkoodii dharaarahaas, bal se’ aan si qeexan oo qayaxan oo run ah oo
aan cidina dafiri karin bal aan idiinku jalbeebo taxanihii kulankaas Burco iyo
wejigiisii dhabta ahaa.
Habkii Uu U Dhacay Shirkii Burco Ee May, 1991-kii
Waa guriga qaranka ee Burco (State House), waxa ka muuqda
burbur weyn, dayrkiisa ayaa habeenkii furshaan loo dhigaa, ergooyinka ka kala
yimi waqooyiga oo idil, kuwaas oo ay ku jiraan isimada iyo salaadiintuba. Waa
mugdi oo meeshu koronto ma laha. Waxa laga saaray ergo uu watay Garaad Saleebaan
Garaad Maxamed oo ka koobnaa 35 xubnood. Waxa lagu duray in ay ka soo jeeddaan
hadhaagii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa na taas ku qancayey SNM-ta oo meesha
maamulaysey, xubno ay gacan saar hore la lahaayeen oo reer Sool ah oo
mucaaradkii dawladda ka mid ahaan jiray.
Arbacadii saddexdii May 1991-kii, waxaa guriga
martida loogu yimi oo gaadhi lagaga qaaday toban xubnood oo reer Sool ah,
kuwaas oo ahaa garabkii ay SNM gacan saarka lahayd, waxaa na la geeyey guri
buundada u dhow oo ku naban daarta loo yaqaan Ina Qulumbe. Isla daartaas waxa
ku sugnaa odayaal kala metelayey beelaha Ciise, Gedabuursi, Warsengeli, iyo
qolo sheeganaysay guurtida reer Shiikh Isxaaq, guurtidaas oo ahayd
gole-siyaasaddeed beeleed oo ay jabhaddii SNM ay ku soo dhistay dhulkii Itoobiya
ee ay jabhaddu ku sugnaan jirtay.
Waa sidaas e’, daarta hoolkeeda weyn, waxa dhex-yaalay
labo jawaan oo qaadka hereriga ah. Kaftan iyo haasaawe gacaltooyo oo
tuuro-tuuro gooyo ah, markii la isku jalbeebay, ayaa cabbaar ka dib waxa
shirkii furay raggii ahaa guurtida Isaaq. Waxa ay sheegeen in shirkii Febraayo
1991-kii ee Berbera ee Guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu la
yeeshay ergooyinkii koob-koobnaa ee ka kala socday beelaha reer Waqooyiga kale
ah, kaas oo la isku raacay afar iyo toban qodob, oo midkii ugu muhiimsanaa uu
ahaa; “in dib loogu noqdo axdigii midawga Soomaaliyeed ee 1960-kii (taas oo
macnaheedu ahayd in awood qaybsi lala galo koonfur)". Hadda ba waxa ay sheegeen
in shirkaas ka dib ay Hargeysa kulan reer Shiikh Isxaaq u gaar ah ay ku soo
qaateen, kaas oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid yihiin:
- 1-
In lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.
- 2-
In dawladda cusub lagu maamulo shareecada Islaamka.
- 3-
In si caddaalad ah loo qaybsado golayaasha dawladda.
Saddexdaas qodob ayaa ay Guurtidii Reer Shiikh Isxaaq ka codsadeen
in beelahan kale ay la qaataan ku na raacaan go’aannadaas.
Haddaba maalintaas waxaa magaalada Burco ku sugnaa ergooyin
tiradoodu boqol xubnood ku dhowdahay oo ka tirsan beesha Dhulbahante, kuwaas oo
ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Waxaa na ergadaas ku jiray labo
garaad oo ah; isimada ugu faca-weyn sooyaalka talada Dhulbahante. Hase-yeeshee
tobanka xubnood ee galabtaas laga soo kexeeyey aqalka martida, waxa ku jiray
saddex caaqil, labo dhallinyaro ah iyo shan nin garbeedda oo kale, waxa ay na
kala ahaayeen:
- 1-
Caaqil Axmed Xirsi Cawl
- 2-
Caaqil Askar Jaamac Yuusuf
- 3-
Samadoon Cawil Xirsi Ciise (Cawil-toodho)
- 4-
Gaashaanle Sare Abshir Saalax Maxamed (ammintaas Garaad ma uu ahayn)
- 5-
Xaaji Cabdi Maxamuud Cabdi (Cabdi-sholoh)
- 6-
Hurre Barre Dirir
- 7-
Shiikh Daahir Xaaji Xasan
- 8-
Cabdi Xasan Dawaarre (Ina Xasan Caamiye)
- 9-Maxamed
Iimaan Maxamed (Baal Cirro) iyo
- 10-
Xasan Cali Jaamac
Tobankan xubnood ayaa sagaalka hore ka soo-jeedaan
beelaha Faarax iyo Maxamuud Garaad, halka ninka ugu dambeeya uu ahaa nin
dhallinyaro ah oo ka soo-jeeday beesha Hayaag, waxa uu na ahaa ninka keliya ee
beelaha Baho Nugaaleed ka fadhiyey madashaas.
Shiikh Daahir Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobankii oday ee
Dhulbahante ayaa hadalkii qaatay, waxa uu na xusay in qodobbadani ay yihiin
kuwii ku habboonnaa in shir-weynaha Sabtida furmi doona lagaga hadlo ayna
awoood u lahayn inta madasha joogta in ay go’aannadaa masiiriga ah wax ka
yidhaahdaan. Hase-ahaate, xubnihii reer Awdal ee kulankaa qayilaadda ah
goob-joogga ka ahaa waa ay taageereen. Qoladii warsangeli waxa ay yidhaahdeen
waftigayagii ma dhamma, xaajadanna waxa aan ku simaynaa wakil suldaan Ismaaciil
Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aan markaa kulanka fadhiyin, laakiin isla
xilligaas ku sugnaa magaalada Burco.
Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac isna waxa uu degganaa guri u
dhow midka Ismaaciil Suldaan oo Bariga Burco ku yaal. Ergadii Garaad Saleebaan
oo isimka iyo cuqaashu waxa ay ku sugnaayeen guriga Cabdi Shaybe oo laamiga
badhtamaha saaran, ergada inteeda kale na, waxa qaabilay beesha Aadan Madoobe.
Waftiga badan ee Dhulbahante ee uu watay Garaad Cabdiqani
oo u badnaa mucaaradkii dawladda ka koobnaa 73 xubnood waxa ay degganaayeen
hudheelka Ina Faarax Gawe ee saldhigga booliiska u dhow, kaas oo qudhiisa
burbursanaa dedkiisuna uu ahaa shiraacyo. Isla arbacadaa waxaa beyaan qeexaya
mawqifka Harti waqooyi (Dhulbahante iyo Warsangeli) soo saaray toddoba xubnood
oo ay ka mid ahaayeen:
- 1-
Pro. Cali Khaliif Galeydh
- 2-
Xeeryaqaan Muuse Xaaji Diiriye (Muuse Idaar)
- 3-
Baayar Mahdi Ducaale iyo xubno kale.
Fiidnimadii ayaa qoraalkaas midba aqalkiisa lagaga soo
saxeexay labada Garaad ee Dhulbahante iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli oo aynu
magacyadoooda kor ku soo xusnay. Shaqadan midaynta mawqifka Hartiga Burco, waxa
u hawl-galay Ilaah ha u naxariiste Yaasiin Axmed Xaaji Nuur oo
Dhulbahante ahaa, xubinna ka ahaa golaha dhexe ee SNM, isaga oo isla arbacadaa
ka soo galay safar uu kaga yimid Dirir-dhabe.
Hase-ahaate maxaa dhacay subaxii sabtidii la sugayey?
Waxaa dhismaha go’an ee Guriga Martida ganjeelada saaran ee bartamaha Bariga,
ayaa barendaddiisa oo galbeedka u jeedda kuraasi loo dhigay guddoomiyihii SNM
Cabdiraxmaan Tuur iyo ku-xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac. Codbaahiye ahaa nooca
beetariga ku shaqeeya oo ahaa kuwa gacanta lagu qaato, ayaa waxaa ku hadlaya
Xasan Ciise. Qudhaca yare e barendaha ka hor-jeeda waxa kuraasi ku fadhiyey dad
aan siddeetan nin ka badnayn. Ma joogin subaxdaa Suldaan ama Garaad keliya ahi.
Xasan Ciise waxa uu taxayey bishaarooyin badan, waxa
uu na markii qof hadlaba ka daba lahaa, waxaa soo socda oo Berbera ku soo
wajahan maraakiib sida shixnado isugu jirta alaabta dhismaha iyo raashin, waxa
uu na lahaa waxaa inoo soo diray dalal Carbeed oo uu marba mid magacaabayey.
Dadkuna Allaahu Akbar oo ay gacan-taag ku ladhayeen ayaa ay ugu jiibinayeen.
Waxaa laga duubayey labo kamaradood oo kuwa fiidyowga ah, waxaa na
cabbaar ka dib la xaadiriyey afar oday oo ku kala hadlayey magacyada gobollada
Tog-dheer, Sool, Sanaag iyo Awdal, sida ay u kala horreeyaan bay khudbaduhuna
isugu xigeen.
Odaygii ku hadlayey magaca Tog-dheer waxa uu yiri; “shan
caano-maal oo ina dhaafay oo ka bilaabma galabtii arbacadii ayaa guurtida
beeluhu shirar gaara ku jireen, waxa ayna isla garteen qodobbo saddexdaan hore
u soo sheegnay”, taas oo uu ku siyaadiyey in la nabaddeeyo meelaha ay colaaduhu
ka jiraan sida Ceerigaabo oo kale ayaa uu carrabka ku dhuftay. Allaahu Akbar
Allaahu Akbar oo gacanta midig la taagayo ayaa lagu taageeray.
Odaygii Sool oo ahaa Caaqil Axmed Xirsi Cawl waa uu
ayiday, waxa uu na raaciyey erayo kaftan ah oo uu weedha “Allaahu Akbar”
ku durayey in ay SNM-tu dagaalka ku soo geli jirtay. Odaygii Sanaagna oo ka soo
jeeday beesha Ogays-labe, isagu waxa uu yiri; “annigu
beesha Isaaq oo kaliya ayaa aan la dardaarmayaa”, isaga
oo u kaftamay sidatan soo socota ayaa uu yidhi; “Isaaqow
shalay idinkaa gaalka inoo keenay, koow, kolkii dambena idinkaa yiri aaan la
dagaallanno oo iska kicinno, labo. Markii saddexaadna idinkaa inagu khasbay aan
walaalaheen iyo koonfur la midawno, maanta oo ah markii afaraadna idinka ayaa
leh aan la soo noqonno dawladnimadeennii, maantana sidii afartii jeer ee hore
ayaa aan idinku raacaynaa, bal se’ Isaaqow ogaada haddii tani xumaato mar dambe
in aanay idinka idiin hadhin talo ee intayada kale aannu go’aanka yeelan doono”.
Sacab aan hore madasha uga yeedhin iyo Allaahu
Akbartii ayaa waxa ku xigay guux ballaadhan iyo xanshashaq ninkaas lagu
ammaanayo. Shiikh Cabdillaahi Shiikh Cali Jawhar oo ku hadlayey magaca Awdal
baa xigay. Isaga waxa uu galay Quraanka Kariimka ah, waxa uu na ka sheekeeyey
sidii uu Ilaahay reer Banii Israa’iil uu ugaga hiiliyey Fircoon. Waxa uu na ku
gunaanaday duco aan markaa ciddina fahmin oo u ekayd afeef uu reer Shiikh
Isxaaq u sarbeebayo. Waxa uuna ku duceeyey; “Haddii
dawladnimadeenna aynu caddaalad iyo sinnaan ku maamuli wayno in Ilaahay aannu
inoo aqbalin, haddi se aan xaq iyo dulmi la’aan ku canqarino Ilaah ha inoo
dhiso oo ha inoo hirgeliyo” ayaa uu Shiikhu ku soo
geba-gebeeyey.
Intaa ka dib, waxaa gacanta taagay nin gadh madoobe
ah, oo qiyaastii dhawriyo afartan jir ahaa, oo ay ka muuqato diif, waxa uu
xidhnaa surwaal cirbiid (buluug) jiinis ah oo caddaaday, iyo shaadh cas oo duug
ah oo uu ilaa suxulka soo laabay. Nin dheer oo madaw oo indho cascas ayaa uu
ahaa. Dabadeed codbaahiyihii Xasan Ciise Jaamac waxaa ka yeedhay “soo dhawoow
mujaahid Cismaan Dheere”, intii uu mikrafoonka ku soo socdayna waxa uu
raaciyey; “Mujaahid Cusmaan Dheere waxa uu ka tirsan yahay guutada 99aad”. Ninkii
baa qabsaday codbaahiyihii waxa uu na sheegay, in uu ka mid ahaa raggii odayada
guurtida ah la shaqeynayey ilaa arbacadii, waxa uu na xusay in qodob la isla
qaatay oo lagu heshiiyey aan lagu darin kuwa madasha laga akhriyey. Waxa uu
yidhii “qodobkaasi waxa uu ahaa in la qoro halgankii iyo taariikhdii
ururka dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM”. Xasan Ciise Jaamac
ayaa soo kacay oo kala booday codbaahiyihii, waxa uu na yiri; “waa
ootomaatik waa na khasab sidaas ayaa uuna ku yahay qodobkii shanaad ee Guurtidu
isku raacday”.
Dharaartii taa xigtay ee Axaddii oo ka soo
qayb-galayaashu xoogaa intii shalay ka soo bateen, waxa loo qaybiyey buug yar
oo cagaaran, kaas oo ay dusha kaga xardhanayd khariiradda gobollada waqooyi oo
kur ah, waxaa na ku qornaa hal-ku-dheg ah “Waa Xor Haddana Somaliland Oo
Mar Labaad Dhalatay”. Jaldiga waxa gudaha kaga jiray saddex warqadood
oo laga soo sawiray wargeysyo af Ingiriisiya, kuwaas oo soo baxay 26-kii Juun
1960-kii.
Waxa khudbadeeyey dhawr qof oo aan wax dumar ahi ku
jirin, iyada oo aan goobtaba wax haween ahi ka soo xaadirin, xusuus waxa mudnaa
nin gaaban oo madaw oo suudh qurxoon ku labbisnaa isagana labeen iyo dhalaal ka
muuqday, kaas oo sheegtay in uu ka yimid dalka Qadar. Madasha waxa uu ka
mariyey gabay af Carabi ah oo uu ku ammaanayey ugu na ducaynayey Mujaahid Lixle,
waa sidii uu yidhiye.
Intaa ka dib, waxa madashii laga bilaabay maadeys
(riwaayad) lagu magacaabay, “Shalaad Loogtaye Maantana Ha Lumin”,
waxa wada curiyey Marxuum Abwaan Ibraahim-gadhle iyo Abwaan Xasan Xaaji
Cabdillaahi (Xasan-ganey).
Ugu dambeyntii waxa hadalkii qaatay, nin cas oo
dhex-dhexaad ah oo cirro leh oo si haybad leh ugu labbisnaa safaari ama
isku-joog cadcad oo gacmo-dheere ah, waa guddoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan
Axmed Cali (Cabdiraxmaan-tuur). Cod xabeeb leh oo deggen ayaa uu ku bilaabay; “Iraadatu
shacab iraadatul laah”, taas oo macnaheedu yahay “rabitaanku
dad-weynuhu waa rabitaanka Ilaahay”, waayo? Buu yidhi “dadku
waxa ay rabaan Rabbi ayaa ku soo rida quluubtooda”.
Khudbad gaaban oo ku saabsan ammaanta ururka SNM iyo guusha ay
geyigoodi gacanta ku dhigeen, ka-dib waxa uu u hambalyeeyey waxa uu ugu yeedhay
guurtidii beelaha ee go’aannada shanta ah soo gudbisay. Gebo-gebadiina waxa uu
yidhi; “go’aannadiinna waxa aannu u ban-dhigi doonaa golaha dhexe ee
Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kuwaas oo isla bishan
gudaheeda aan rajeynayo in ay qaraaradiinna taageeri doonaan oo ay ansixin
doonaan, insha Allaah, shir-weynihiina intaas ayaa uu inoogu xidhan yahay”.
Tixraaca
-------------
Qormadan Taariikhiga ah waxa laga soo uruuriyey dukomentiyo, dad
goobjoog ahaa iyo cilmi baadhis ay samaysay Akaaddemiyada dhaqanka
Cakaara oo uu hogaaminayey Guddoomiyaheeda Maanmaal Buureed
Gurxan, waxaa na la geliyey safarro xog uruurineed iyo waqti badan oo muddo
dheer qaatay, kuwaas oo u badnaa xogo toos looga duubay ergooyinkii reer Sool
ee labada raabe ku kala tagay 1991-kii Burco, kuwaas oo ay Garaaddo, Cuqaal,
Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiinba ay ku kala jireen.
_______________
Waxaa Qoray Guddoomiyaha
Akaaddemiyada Dhaqanka Ee Cakaara
Qaryaan
Maanmaal Buureed
Comments
Post a Comment