Qorsheyaasha Shaqo-abuurka iyo Taageerada Nafsaaniga ee Dhallinyarada Jamaahiirta SSC-Khatumo: Kaalintooda Mustaqbalka iyo Kartidooda Gaarka ah
Shaqo-abuurku waa dariiqa koowaad ee dhallinyarada lagu hagayo sidii ay ugu beddeli lahaayeen waayo-aragnimadooda dagaalka kanshooyin (fursaddo) nololeed oo wanaagsan. Intii lagu jiray dagaalkii Laascaanood, dhallinyaradan oo aan lahayn khibrad tababar dheer ah ayaa muujiyay in ay yihiin kuwo si dhakhso ah u baran kara u la na qabsan kara xaalad kasta oo kakan oo adag. Taas ayaa door weyn oo muhiim ah ka dhigaysa in loo sameeyo dulucdoorro (barnaamijyo) xirfadeed oo dhallinyaradu ka faa'iideysan karaan, sida farsamada gacanta, ganacsiga, iyo tiknoolajiyada casriga ah, kuwaas oo siin doona noloshooda nabadda ah ku seeman ayaamo iyo dharaarro cusub oo gardaadinaya aayatiin wanaagsan oo ku ambaqaadmaya gobanimo ay ku garwaaxaysanaya iyaga laftooda iyo kuwo ah jiillalka dambe ee Daraawiishta. Shaqo-abuurku sida oo kale waxa uu sii xoojin doonaa jawiga firfircoonida maskaxda, maanka iyo jidhkaba ee dhallinyaradan foollaadka ah, isaga oo siinaya tub, tab iyo tadabyo (xirfaddo) cusub oo ay ku horumariyaan naftooda iyo mida mandaqaddooda SSC-Khatumo.
Barnaamijyada La-talinta iyo Taageerada Nafsiga:
Guulihii dagaal ee ay gaareen dhallinyarada Jamaahiirta SSC-Khatumo, inkasta oo ay ahaayeen kuwo dhiirran oo firfircoon oo geesiyiin garasho sare leh, haddana waxa la garansoon yahay in dagaalladii ay galeen ay qaar badan ku keeneen dhibaatooyin maskaxeed oo maaneed iyo shucuureed, taas oo u baahan in si gaar ah loo daweeyo. Dhallinyaradani waxa ay u baahan yihiin taageero nafsaani oo dhameystiran, taas oo ay ka heli karaan khubaro cilmi-nafsiga ku xeel-dheer oo ka caawiya ka gudbista dhaawacyada shucuureed iyo walaaca dagaalka. Barnaamijyada la-talin ee nafsaaniga ah waa kuwo muhiim ah, maaddaamma ay ka caawinayaan dhallinyarada in ay dib u helaan kalsoonidooda iyo inay si hufan uga qaybqaataan nolosha bulshadooda ee ay nabaddu u tahay in la helo xasillooni lagaga miradhalinayo tubaha siyaasadeed iyo xeeladeed ee loo jeexayo horumarinta mandaqadooda SSC-Khatumo.
Horumarinta Kanshooyinka (Fursadaha) Waxbarasho:
Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu jihayn karo aayatiinka dhallinyarada SSC-Khatumo, si ay uga baxaan xaaladihii dagaalka una qaadaan tubaha nololsan oo ku dhisan aqoon iyo horumar. Guushii ay dagaalka ka soo hooyeen ma ahayn mid ku salaysan tababar heer sare ah oo ay haysteen, laakiin waxa ay ahayd mid ku dhisan dhiirranaan, geesinimo, xamaasad, iyo u hoggaansanaan. Hadda oo ay gobolladooda gacanta ku hayaan, waa in dhallinyarada lagu jiheeyaa barnaamijyo waxbarasho oo casri ah, si ay u noqdaan aqoonyahanno iyo xirfadleyaal kaalin muuqata ku yeesha horumarka bulshada. Waxaa sida oo kale muhiim ah in la abuuro fursado waxbarasho oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolajiyada iyo xirfadaha shaqada ee suuqa ka jira.
Dhismayaasha Kooxeed iyo Midnimo Bulsho:
Midnimada iyo wada-shaqeynta kooxeed ayaa door weyn oo muhiima u ah dhallinyarada iyo Jamaahiirta SSC-Khatumo, gaar ahaan marka la eego sida ay ugu baahan yihiin taageero bulsho oo joogta ah. Dagaalkii ay guusha ka soo hooyeen waxa uu ka marag-kacayaa oo uu muujinayaa awoodda ay ku leeyihiin in ay ku midowaan hal hadaf oo ay ku wada shaqeeyaan. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro nidaamyo kooxeed oo isku xidha dhallinyarada, si ay uga faa’iidaystaan wada-shaqeynta kooxeed, loona xoojiyo is-dhexgalka bulshadooda. Midnimadaas kooxeed ayaa siinaysa fursad ay ku helaan kalsooni iyo taageero bulsho, taas oo si weyn uga caawin doonta inay ka gudbaan dhibaatooyinka nolosha oo ay yeeshaan mustaqbal wanaagsan.
Xusidda Tilmaamaha Gaarka ah ee Dhallinyarada Jamaahiirta:
Dhiirranaan aan xadka lahayn (Fearless Courage): Wiilasha iyo hablaha geesiyiinta ah ee Jamaahiirta SSC-Khatumo intii lagu jiray dagaalkii maamulka Somaliland lagaga sifeynayey gobollada SSC ee maamulka SSC-Khatumo waxay muujiyeen dhiiranaan ka duwan askarta waaweyn ee taqaanna goobaha qatarta iyo naf-waaga. Khibrad la'aantoodu waxa ay u noqotay faa'iido, maxaa yeellay ma aysan aqoonin cabsi iyo taxaddar; halkii ay ka baqi lahaayeen halista soo fool leh, waxay si toos ah ugu cararayeen goobaha dagaalka ugu daran. Dhallinyaradaas waxa ay u dhaqmayeen sida libaax aan aqoonin halista goobta uu ku jiro, taas oo ka dhigaysay kuwo ku dhiirran meelaha ugu qatarsan, taas oo marag-fur u ahayd dhiirranaantooda iyo geesinimada lagu yaqaanay ee gaal iyo Islaamba horey ugu qireen.
Xamaasad iyo Xiiso joogto ah (Unwavering Enthusiasm): Mid ka mid ah astaamaha kale ee ay ku tilmaaman yihiin Jamaahiirta SSC-Khatumo waa xamaasaddoodii dagaal ee aan kala go'a lahayn. Dagaalkii ay galeen wuxuu u ahaa hawl ay si buuxda ugu faraxsanaaayeen, oo mararka qaar xitaa aan kala joogsi lahayn. Waxa ay goob-joogayaashu ka sheegeen inay xilligii dagaalku socday ay si joogto ah ugu hawlanaayeen dagaalka iyaga oo xitaa hilmaamayey quraac iyo qadaba, taas oo ka dhigan in xiisaha iyo xamaasadda ay u qabeen dagaalku ay ahayd mid aad uga sarreysay heerka caadiga ah. Xamaasaddani waxay noqotay awood weyn oo u saamaxday inay aanay ka niyad-jebin dagaalka wakhti kasta, taas oo ay kaga dheereeyeen askarta kale ee tamartu ka luntay. Waxaa intaaas dheereyd inay ereyo dhiirrigelin ah oo xamaasadeed adeegsanayeen sida: Ku-lis, Ku-dhibci, Ku-qabo, Kaga-qaad iyo qaar kale oo tix iyo tiraabba lahayd.
Orad iyo Awood Dheeraad ah (Physical Stamina and Agility): Dhallinyarada Jamaahiirta SSC-Khatumo waxa ay muujiyeen awood jireed oo aad uga sarreysa tan askarta waaweyn lagu yaqaanay. Waxa ay si foollaadsan oo fudud u ordi karayeen tahan masaafooyinkeedu dheer yahay, iyaga oo aan dareemayn daal, iyaga oo orodayey ilaa 15-km, taas oo aanay wax dhib ah kala kulmaynin. Xilligii dagaalku sida ba'an uga socday magaalada Laascaanood, meelaha kuraha ah, kobaha jararka ah, togogga teedsan iyo booraamaha dusmada adag ayaa ay si xawaare sare ah ku marayeen, halka la ogaaday in askarta waaweyni aysan si fudud u mari karin. Awoodda jireed ee dhalinyaradan waxa ay ahayd mid kale oo ay ku dardar geliyeen dagaalkii, taas oo ka dhigaysay kuwo orod iyo awood ku dhaafay askarta kale, waxa ay na soo dedejisay inay ciidankii Somaliland muddo kooban ku soo afjaraan.
Amar-qaadasho Fiican (Willingness to Obey Orders): Mid ka mid ah astaamaha ugu yaabka badan ee dhalinyaradan waa heerka sare ee amar-qaadashadooda. Dhallinyarada SSC-Khatumo waxa ay ahaayeen kuwa ka dhego-nugul askarta waaweyn marka ay timaado fulinta amarrada saraakiishooda. Marka sarkaalku amro inay galaan goobaha ugu khatarta badan ee dagaalka, way galayeen iyaga oo aan wax su'aal ah ka keenayn. Hoggaansanaantan ayaa siinaysay waxyaabaha gaar ah ee lagu kalsoonaan karayey marka loo baahdo in la fuliyo hawl-gallada adag, taas oo ka dhigtay in saraakiishu ay ku tiirsanaadaan fulinta hawlgalladooda hoodaarsan ee collalkii Somaliland sida dhakhsaha lagu jabiyey.
Gabagabo
Gabagabadii, waxa aan leeyahay waxa lagama maarmaan ah in la fahmo inay jiraan awoodo badan oo dhallinyarada SSC-Khaatumo ku duugan, kuwaas oo haddii si habboon looga faa’iideysto, ku keeni kara isbeddelka loo baahan yahay ee horumarinta bulshadooda. Fursadaha shaqo, waxbarasho, iyo taageerada bulsho ayaa ah dariiqa ugu fiican ee ay guulihii dagaalka u badali karaan horumar waara. Aniga oo la hadlaya hoggaanka dhaqanka, hoggaanka siyaasadda iyo haldoorka saamaynta leh ee maamulka SSC-Khaatumo waxa aan maqaalkaygan ugu soo gudbinayaa tallooyinka ah:
Fursad Dahabi ah: Dhallinyarada SSC-Khaatumo waxay ku jiraan marxalad muhiim ah oo fursad u leh inay saameyn waarta ku yeeshaan bulshadooda. Guulihii ay ka gaareen dagaalkii Laascaanood waxay u noqon kartaa bilow cusub oo ay ku dhistaan mustaqbal barwaaqo ah. Fursad dahabi ah ayaa halkan taalla mid aan si fudud u soo noqon doonin, waa na waqtigii loo baahnaa in si buuxda looga faa'iideysto.
Astaamaha Hoggaaminta: Dhallinyaradan waxay dagaalkii Laascaanood ku muujiyeen astaamo aan caadi ahayn sida karti, dhiirranaan geesinimo, iyo hoggaamin, taas oo ka dhigaysa inay yihiin hoggaamiyeyaal hibada hoggaamintu lud iyo laf ugu aroorsan tahay oo aan ku koobnayn kaliya dagaal, balse' ay kaalin muuqata ka qaadan karaan horumarinta bulshadooda. Astaamahan ayaa caddeyn u ah inay yihiin kuwo u qalma fursado horumarineed oo ballaaran si loo sii kobciyo awooddooda.
Fursado Shaqo iyo Waxbarasho: Si guulihii dagaalka loogu beddelo horumar bulsho, waa lagama maarmaan in dhalinyaradan loo abuuro fursado shaqo iyo waxbarasho. Waxbarashada iyo xirfadaha shaqada ayaa ah aaladaha ugu muhiimsan ee lagu kobcin karo noloshooda, taas oo iyaga siin doonta fursad ay ku noqdaan dadka horumarka keena ee hoggaamiya SSC-Khaatumo iyo guud ahaan gobolka.
Taageero Bulsho: Marka lagu daro shaqada iyo waxbarashada, taageero bulsho oo ballaaran ayaa muhiim ah si dhalinyaradan loogu dhiirrigeliyo inay sii wadaan hawlahooda horumarineed. Taageeradan bulsho waxay noqon kartaa mid dhaqan ahaan, maskax iyo maan ahaan ah, iyo dhaqaale ahaanba loogu taageerayo, taas oo ay u adeegsadaan dib-u-dhiska bulshada iyo in ay noqdaan tiirrarka nabadda iyo barwaaqada.
Dib-u-dhiska SSC-Khaatumo: Fursadahaas horumarineed waxay keeni karaan in dhallinyaradan ay kaalin muuqata ka qaataan dib-u-dhiska maamulka SSC-Khaatumo. Waxa ay ka dhigi karaan kuwa hormuud u ah dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, iyaga oo bulshada ku hagaya mustaqbal ifaya oo leh horumar dhaqaale, nabad, iyo barwaaqo. Haddii fursadahaas la siiyo, dhallinyaradan waxay noqon karaan tiirrarka iyo dhidibyada mustaqbalka ee SSC-Khaatumo iyo guud ahaan dalka.
Comments
Post a Comment