Awoodda Qalinka U-adeegso Si Qumman!
Ararta Qormada
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Eebbaha Alwaaliyu-ga ah ee wax
kasta lahaanshohoodu dhab ahaan ugu sugnaaday oo xikmadda ku tagriffalkooda na
aan cidi ku lammaanin, Allaha weeye Deeq badanaha ah ee aanu ku mahadinayno,
gargaar ka barino, dembi dhaaf weydiisano. Guullaha Albaadin-ka ee dháb ahaan u
ogsoon amuuraha qarsoon iyo waxa uurka ku jira; allah aan adduunka lagu arage
uumiyihiisa laga dhex dhaato, waxaan ka magangeleynaa sharka iyo sheydaanka
nafteenna ku lammaanan, falalka aan qumanayn iyo inay innaga dhacaan arrimo
goddo’aya sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulkiisii
(SCW).
Waxaan qirayaa in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla mooyee, Ilaah
keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan qirina in Maxamed yahay addoon iyo
rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato
nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin).
Jaalle qormadan kooban waxa ay kuu seemaysaa in awoodda qalinku uu
leeyahay in ay tahay taawada ugu taagta roon wax agab ah oo ay Aadanuhu
haystaan, sida oo kale waxa ay qormadu kugu boorinaysaa in aad qalinka
adeegsato halka aad agab kale kula jaxartami lahayd in aad iskaga jafeefto jirrabaadka
ku jeedaaran jidka aad ku jeelan tahay ee geeddi-socodka waayaha nolosha ah.
Mar kale, qormadu waxa ay kuu weelaynaysaa waanno iyo dardaaran dhaxal-gal ah,
taas oo ku qaabka iyo qorshaha qummaatiga ah ee aad u qummisanayso awoodda
daarranaha (qalinka). Ka bogasho wacan.
--Qof u heellan, Akhris iyo Qoraal, Qalin midkii haysta
--Qaraabadiyo isagaa tolkaba, iiga qaalisane
--Waa quwad afkaaruhu ka mudan, heer qabiilnnimo e. (Awaarre)
--Qaraabadiyo isagaa tolkaba, iiga qaalisane
--Waa quwad afkaaruhu ka mudan, heer qabiilnnimo e. (Awaarre)
Waa Maxay Awoodda Qalinku?
Awoodda “Qalinku” waa midda kunbadyo (malyuunaad) jeer ka taawo
roon qoriga ama seeftuba taagta ay leeyihiin. Seefta daabkeeda ama qoriga
dabadiisa oo aad soo qabsataa, waxa aad ogaataa inaadan guul ku gaadhaynin, bal
se’ “Qalinka" oo aad qabsataa hal godol (minute), waxa aad ku taabaysaa oo aad
ku na hananaysaa lib weyn. Taasina waxa ay ina tusaysaa oo ay shanta inoo
saaraysaa, taawada qoritaanku (the power of writing) in ay ka awood iyo taagba
roon yahay seefta ama qoriga libinta lagu raadsho.
Hubanti weeyaan in qalinku yahay waxa ugu awoodda weyn ama doorran
ee libin lagu libirsado. Sida oo kale waxa dhab ah haddii loo adeegsado si
gawaan-raac ah, ama khalad ah, in uu abuurayo ibtilo daran oo haligta qofka
qalinka dabadiisa haya, si la tooyana beeri karaya in uu bulshaduba isku
lee’ato. Awoodda qalinku leeyahay, waxa si foollaadsan oo murtiyeysan inoogu
meeraya gabay uu tiriyey Abwaan Sakariye Awaare, waxa uu
na yidhi:
- –Qalin
waa ka daabaca murtiyo, dhaxal dad noolaaye
- –Taariikh
dahnayd buu qoraa, waayo dabadoode
- –Duruus
aan la dhaadayn mar buu, dib ugu laabtaaye.
- –Xigashiyo
daliil iyo mar buu daw ku tusiyaaye
- –Farriimaha
mar baa lugu diraa, laga dab qaataaye
- –Marna
waaba diiwaan ummadi, dagashanaysaaye.
- –Diin
iyo mar baad ugu dhigtaa, ubadka deel daale
- –Daahyada
mar baad kaga furtaa, aragti door roone
- –Arartiisa
duubani mar bay, doodo dhalisaaye.
- –Doog
iyo mar buu kicinayaa, dirir colaadeede
- –Dabka
shidan marbuu hurinayaa, gaas ku darayaaye
- –Dunji
wada dhashuu kala raraa, deris walaala ahe.
- –Eray
kaa dalleensamay mar buu, diiq ku galiyaaye
- –Hadal
duulay kaa lumi bulshiyo, derejo fiicnayde
- –Durbaan
iyo adoo qiiro yari, deliyo kaa tuurtay.
Si Qumman U-adeegso Qalinka
Waxa is-weydiin mudan; talow sidee buu qalinku ugu taag iyo taawo
roon yahay seefta ama qoriga cadowga la isaga dhaciyo? Waa weydiin mudnaanteeda
leh, waa na ay tahay in uu qofku isku jalbeebo. Weydiintaas ka-cigaleynteeda,
iyada oo aanba meel fog laga raadin, waxa ay jawaabtu tahay, si aad isaga
dhiciso oo aadba u amsaaxdo cadaawaha ku soo duulay hantida, heddaada
(naftaada), haybaddaada iyo diintaada, marka aad qalinka u qaadato, waxaa
dhacaysa adiga oo aan dhiig qubin ama qudh-jarid samayn, in aad maankiisa iyo
lubbigiisa wareento, tiiyoo aad weliba ilaaq iyo addiyaddiisaba tusayso
bulshada garsoorka u dhaw ee aan ogayn colka kugu soo duulay. Arrinkaasina
waanwaan iyo rogrogitaan kadib, waxa ay foolinaysaa in faraha la saaro oo loo
gacan-qaado ciddii qalinka la leefsiiyey.
Marka se’ aad seef ama qoriga u qaadato cid gef kugu la kacaysa si
aad isaga yurreyso, ama uga aargoosatid cid gedaafo weyn kuu geysatay, waxa
dhacaysa adiga oo aan waxba u miyirin in aad ku dhaawacdo ruuxdiisa, qudha ka
gooyso ama aad ku abuurto ka fiirsasho la’aan dagaal la isku qaado oo ba’an,
kaas oo la isku hoobto oo noqda mid dad, dal iyo duunyaba baabiiya. Dagaalku na
waxa ku dhammaadaa dhiig daaddin iyo dilitaan, dilitaankuna waxa uu ku soo
geba-geboobaa cuqdad, utun, gashi, colaytan jiitama iyo khasaare.
Haddaba inta aynu qoriga qaadan lahayn, inaga oo dhiig u
daaddinayna si aynu isaga dhicinno tuuggada, booli-quutayaasha, aggafaarada iyo
gunufgaanufyada shisheeye kalkaalka ah, xaaduqyada gaamuray ee hantida ummadda
boobbaya, faajeerrada xirribta (siyaasadda) xun iyo dhammaan ciddii ummaddeenna
xangabinaysa, dhallinyarooy miyaanay habboonayn oo aanayba ahayn inaynu qalinka
ku weerarno oo aynu ku maan-wareeno? Waa ay tahay oo midka ka qummaniba ma
jiro.
Maaddaamma uu qalinka yahay mid ka laaxibboon ka na daran qumbulad
duriyaha bu’eed (Nuclear Bomb), iyana miyaanay ahayn in laga fiirsado wixii la
qorayo? Ka fiirsasho la’aanta iyo u daymo la’aanta aan xaqiiqda ku tubbanayn
miyaa ay tahay in qalinka lagu leefsiiyo cid alaale ciddii la colaysto ama la
isku dhaco?Ku xisaabtama qalinku inuu hub yahay ba’an, kaskana ku haya in la
isweydiin doono; maalinka qiyaame wax alaale iyo wixii aad ku warjeeftay
qalinka xaanshida lagu dul likeeyo.
Gunaanad
Qormadan kooban waxa aan ku soo gunaannadayaa, in dhallintu
qalinka adeegsato oo ay qaataan, halkay qoriga wax ku afuufi lahaayeen, waxa
aan na leeyahay, waar ogaada in qalinku yahay midka cadawga ugu weyn dunida
(Waa Jahliga) uu baabiiyo.
Si la mid ah, waxa aan leeyahay; qalinleyda isugu jirta
dhallinyaro iyo waayeelba, waa in ay waxa ay qorayaan u dhimriyaan. Iyaga oo
xaqiiqada ku tubbanaya, waa in ay qalinka ku leebaan wixii cadaw ku ah danaha
iyo geedi-socodka habboon ee bulshada, sida oo kale na waa in ay qalinkooda ka
fogeeyaan wax kasta oo burbur iyo belo toosta keenaya. Waxa aan ku soo
af-meerayaa qormadan meerisyo waano iyo hoggatusaaleyn abwaaneed ah, oo ku jira
isla gabayga “Daarane” ee uu tirshay Abwaan Sakariye, waxa aan idiin leeyahay:
- –Eray kaa dalleensamay mar buu, diiq ku galiyaaye
- –Hadal duulay kaa lumi bulshiyo, derejo fiicnayde
- –Durbaan iyo adoo qiiro yari, deliyo kaa tuurtay.
- –Qormo aad dalaysaad mar kale, dibinta ruugtaaye
- –Qodob deri leh, oon loo hog dayin, laxanyo deelqaafa
- –Haddii aan dareen curinin waa, lur iyo dawliile.
- –Mar haddaanu duug iyo lahayn, dux iyo iidaanba
- –Ama aanu daawiyo lahayn, duluc la raad raaco
- –Haku daalin buug iyo maqaal, maan dardaar warine.
________________
W/Q: Guddoomiyaha
Akaaddemiyada Cakaara
Maanmaal Buureed Gurxan
Comments
Post a Comment