GILGISHOO UGU GALAAL-XOORA XAADUQYADA GAAMURAY

Gilgishoo Ugu Galaalxoora Xaaduqyada Gaamuray


Qaryaan Maanmaal Buureed Gurxan


  • --Kaliishu abaar miyaa? Mayee waa koox budhcada!
  • --Dhulkeennu ma kayd yaryahay? Mayee kiish baa u tolan!
  • --Maxaan u kadeedanahay? Xilkeennuu kaaluf galay!
  • --Hayaanku ma kaadso baa? Mayee kakac oo dhaqaaq! (Cali Ileeye).


Amakaag iyo yaab weeye! Dhac iyo boob badheedh ah, ribo-cunsiin iyo raran caddaabeed oo rayidka loo riigeenayo, fuuqsasho maal iyo foon-korodh (sixir-barar) fagaaggaas sare dhaafay, cuna-qabataynta xoolaha iyo xatooyo aan xadi lahayn, dhulkii oo xeeb iyo xagaafba xaraash loogu jiiday, been iyo ballan-daro karkaarada jabsatay, dagitaan iyo duudsi sida daadkaas ah, caga-jugleyn iyo hanjabaad cisho kastaba joogta, cuqdad iyo caabuq xigto iyo gacal wada-jira lagu callaqo, isku-dir iyo dirir dhex-ka-oogid beelo walaallo ah oo degel keliyaata deggan, macjuufayn iyo maag aan loo meel dayeynin, dacaayad iyo doojo sida dawaanka (echo sound) iska daba-dhacaysa, intaas oo qodob oo isku qobtollan waxa loo sii raaciyey abaar la baxday "kadeed kulmiya", taas oo ah bahal kulul oo kalwinaysa kaar iyo kurbo daran oo dad iyo duunyaba si kadeed ah kurka uga goonaysa.


Intaas oo qodob oo la isku qoofaley waxaa qumiyey oo qulub iyo qoob rogankooda keenay dambigaynu Alle ka galnay oo ah qaayo-laawayaasha maamul-goboleedyada Soomaaliyeed loo dhiibay ee ku qawdhiyi jirey qaran baannu dhisaynaaye qaraabooy na doorta. Kuwaasi waa gunufgaanufyada geyigeennan Soomaaliyeed ka dhex orbeenaya ee guryaha ah gambalooyinka waaweyn, gawaadhida kala jiidan iyo guunyada boolida ah ku haysta. 


Qof weliba waxa uu dhaqay baa meel loogu xardhayaa oo noqon doona sooyaal u dhigane, dhammaan intaas oo qodob iyo cidda ka adeegtay oo ah maamullada joog
a maanta, waxa iiga marag ah Jaalle adi iyo intii dhaayahoodu fiyowyihiin, sida kale waxa iiga marag-kacaya maansoyahannada kala duwan ee bulshada la dareenka ah, haddii aan mid ka soo qaatana waxaa igaga filan meerisyadan aan ka soo goldooxay gabay la yiraahdo "Baraarug" oo uu dhowaan tiriyey Abwaan Cabdiwali Gaboose, waxa uu na yidhi:

  • --Bukaan iyo nin baaseysan bey boqol daweysaaye
  • --Baahaysigaa lagu nacaa baahi ruux qaba'e
  • --Balse kama bogsiin karo khalqigu boqorka mooyaane
  • --Ilaah baa baryada kugu jeclaan aad ku badisaaye
  • --Asagaa wuxuu bixinayaa barako yeeshaane

  • --Markii aan ka baydhnoo beliyo baadil laga raacay
  • --Deeq-bixiye loo bixiyey gaal balag ka laalaadin
  • --Oo aan baadiyownee sharciga baylah laga yeelay
  • --Oo barwaaqadii lagu sugnaa lagu baraad beelay
  • --Oo aan mahadu baaqigu mudnaa kaga bakhaylownay
  • --Oo caddaalad laga baxoo aynu bogan weynay

  • --Waa kaa abaar ugu beddeley baahsanoo timiye
  • --Buska kaciyo xoolaha bakhtiyey shacabka bayhoofay
  • --Waxaa sababay baashaw denbiga baratankiisiiye

  • --Bugcaddaad is taagtaba dhulkii meel bannaan malahe
  • --Asagoon biniyo beerka dhigin baaxad iyo muuqleh
  • --Bilaash-xayte baradii Allaba sheegay badideeda
  • --Oo bahaayinkii daaqilaa baadka laga oodye

  • --Maxkamaduhu waxay biishadaan waa bakhshiishiga e
  • --Markhaatigu bareer buu u maraa been billaahida e
  • --Xeerarkeedu waa baynalkoodh loogu dhigay buuge
  • --Dantii guud iyada beri horey bililiqeysteene

  • --Sixir-barar ashcaartii ku gade beec mushtarigiiye
  • --Beenaalihiyo koofiyad baclaa qaatay baal goraye
  • --Danyartoo la boobiyo dulmaa lagu bahoobaaye

  • --Basarkii Islaamkiyo xaqaba waa la baal maraye
  • --Waxa lagu baraarugay markuu baasuhu u dhacaye
  • --Nimanyaw wixii baxay baxoo beegsimaad malehe
  • --Intaan baabah laga yeelinoo buunka la afuufin
  • --Toobad wey bannaan tahay haddii leys badh-qabanaayo.



Sida aynu ognahay, runta waa aynu ka qandoodnaaye, yaan reer laga dhigin ninka tuugga ah. Kolay qaylo-dhaankeygani kaa daadegi maayo, yaad moodi kuwaas aan kuu sheegay ee jaraha haya? Ma waxa aad u taqaan reerkaan ka soo jeedo? Mise reer kale? Mise reerkaaga? Waar yaan reer la rifin oo yaan lagu dambaabin reer kula qaba alhuumada iyo aafada geyigeennan Soomaaliyeed
innagu wada habsatay, cid kasta waa ay leeyihiin faajeerrada iyo fongoryadaas faaray ee sidaas inoo fanteeyey.

Horaa loo yidhi "lax-dhukan abaar iyo colba moog!". Qaar baa marka ay maqaalkaygan akhristaan odhanaya "Maanmaalow inaadeer waa reerkaas iyo waa maamulkaas, iyo annagu maamul kale baanu hoos tagnaa". Caku! Jaalle xog-mooge xaajo waa dilaaye, war waxa meesha wada jooga ee xilalka maanta fadhiya, waa isku xeer oo ballan baa ay wada galeen, ma na aha dadkeenna, waa col iyo cadow ku soo duulay dal iyo dadkeennan Soomaaliyeed ee Ilaahay is-baday. 

Kacdoon shacab oo aan laga kedibin oo lagu kaynaano ayaa innagu xilan (waajib ah). In aynu ugu galaalxoorno qawlaysatadaas gobol iyo geyi kasta joogta ayaa korkeenna saaran oo la rabaa in aynu ku dhaqaaqno.

  • --Ninkay bulshadu aamintaba buulaluu koriye
  • --Hadduu shalay xilkii loo baqraday maanta bogan waayey
  • --Oo oofti aan buuxin laa igu bannaanaatay
  • --Oo baahidii taagan tahay siina badanayso 
  • --Bilistuba ma yeelaan waxan ku san-banaanayne

  • --Sow in aan ka baaran-degoo biirsho talo maaha?
  • --Xornimuu dalku u baahan yahay lagu badbaadaaye
  • --Barwaaqiyo sareedaan rabnaa lagu bulaalaaye
  • --Oo cadaalad beys looga dhigo lagu bineeyaaye!..(Abwaan Gaboose)


Jeelanka iyo jeedalka abaarta, jahwareerka maamulitaan, jaan-goyn la'aanta foon-kororka lacagta, jihayn la'aanta dhallinyarada iyo musuqmaasuqa joogtada ah, dhammaantood waxa laga bixi karayaa "marka loo kaco isbeddel in la fado, isbeddelkaas oo ah in xilka laga tuuro la isna dhaafiyo kuwa maanta jooga ee ku guuldaraystay inay dal iyo dadkoodaba horumariyaan. Is-beddel loo hubqaatay oo aayotiin leh waxa lagu guuleysanayaa, marka la garanayo higsiga leh abbaar iyo hiraal looshan."

Doorasho laga soo gudub oo waxay ahayd tii Farmaajo lagu doortay, waxse soo socota Doorashada maamulka ka mid kuwo ugu waaweyn maamullada Soomaaliyeed, kaas oo ah maamulka Soomaalilayn (Somaliland) ee sheegta Jahmuuriyad iskeed u madaxbannaan, hadda ba maamulkan cidda wax dooranaysa waa shacabka ee waxa aan leeyahay: "
waar Soomaalida maamulkan Soomaalilayneey mid ogaada maanta uma baahnidin oo Soomaali uma baahna mid qabqable dagaal ahaa sida Muuse Biixiga hoggaamiya xisbiga Kulmiye iyo mid la leeyahay waa uu soo geyllamay oo gefkiisu batay, maxaa wacay? Waayihii asqada iyo indho-la'aanta la isu dilayey ee xilligii kacaanka iyo kuwii ka dambeeyeyba, ninka ka soo qayb-qaatay ee reer iyo hab kaleba uga soo dhex geyllamay, dhabtii waxaa hubanti ah in gefafkuu gelay ay fara dhaaf yihiin, Abwaan Dhoodaanna waa tuu lahaa 'Geyllame gefkiis batay baan geydhasho la'ayne!' Sidaas darteedna u ma qalmo in aynu dib xil ugu dhiibano, qofkii raba ee la soo shir tagana waxa marag-ma-doonto ah inuu yahay ruux aan rabin dad iyo dal wada-jira iyo horumar la gaadho, waa na qof caddaystay in la islaayo oo birta la iska aslo. Bal dooro oo doorta oo dambarkaad ka dhantaan waxba ha ka siininna walaalkiin Maanmaal Buureed Gurxan."

Hadda ba waayahan aynu joogno waxa aynu u baahan nahay in aynu dooranno oo xilka u igmano mid nabad iyo midnimo iyo wada-jirka bulshadeenna si toobboon oo xirib  (siyaasad) sare leh heego ugu mari karaya. Jaalle wax maami (feker) oo tubta toosan dhaag, Ilaahayna u toobad keen, cafi oo laabtaada xiqdiga iyo xaabuqa gambadhuudha ee aad walaalkaa u hayso ka saar. Midnimaa Ilaahay jecel yahay ee midnimo iyo wada-jir doon. Noqo xeer-u-dhalan Soomaaliyeed oo Xaakim iyo xeer sugan garanaya oo midnimada ummadda Soomaaliyeed ku dhaata.


Ilaahay Baa Mahad Leh.

_______
W/Q: Guddoomiyaha Akaaddemiyada Dhaqanka
Ee Cakaara

Comments