Maxaa Dhareerahaygan Qaayo
Beeliyey?
![]() |
Qaryaan Maanmaal Buureed Gurxan |
- Dharaaraha qaayo-beelka
- Dhimbiilaha saban-xumaadku
- Muxuu dhaqanguur sameeyay
- Ayaamaha qolof dhacniinku
- Muxuu dhagax inan-gumeeda
- Wacnaan iyo dheeh u yeelay
- Muxuu qalbi dheeman haana
- Korkiisaba dhiiqo saaray! (Cali Ileeye).
Dharaarihii Aan Qaayaha Lahaa
Haddii aan ahay Soomaali xeer-u-dhallan ah, dharaarihii aan qaayaha lahaa, waxa aan ahaa qof xoogsada oo muruqiisa maala, kaas oo ah mid wax beerta, xoolo dhaqda, badaha geyigiisa ku xeerana wixii ku jira oo nimcooley ah kala soo baxa oo balaxsada. Sida daruurta cadareed baa run heego loo maraaye, Ilaah mahaddi ha ka gaadhee, waxa aan ahaa; Guuleed lagu bantookhay shanta meesi ee kala cayn-caynka ah, oo uu Caadilkeen ka dulqaaday ka na dheereeyay agtiisa cunsurka, cidhiidhka, curuuqa iyo carmaajiska ay caydhnimadu leedahay. Cidaha kale ee ila midka ah, in aan baryo ma ba dhici jirin, iska ba daa in ay dhacdee, waxaa ceeb aad u weyn ii ahayd, in qof bulshadayda la nool inuu wax tuugsado, waayo? Tolkayga ayaa xooleyn jiray.
Bulsho waxaa ugu bidhaan iyo biliba roon, middii waxa ay beerato balaxsata, waxa ay hab-samaysatona ku hagoogta, hooy ka yeelata, hubna ka dhigata si ay cadowgeeda isaga waabiso. Nin is faanshay waa ri is-nuugtaye, aniga oo aan dhood iyo tookh jalalabaynin, haddii aan dhabnimo jalbeebto; waxa aan ahaa farsamo yaqaan, kaas oo saabbaanka hooygiisa samaysta. Sida oo kalena waxa aan ahaa, qalas qalas dhalay oo leh aqoon xirfaddeed sarreysa, taas oo uu ku samaysan karo, hub uu cadawga isaga waaayibiyo.
Xidaar baan ahaa aad u kala yaqaanna, dheefta iyo daawada ay dhirtu leeyahay. Xiddigaha guudkayga sare iyo cirarka cageenaya, ayaa aan aqoon gaara u lahaa. Cariga nafleyda igu la nool, haddii uu yahay xayawaan ama dhir, nin qalambaawiya oo dabeecaddooda iyo duugooda kala yaqaanna baan ahaa. Hubaashii waxa aan ahaa mid ku tilmaannaa halyeeynimadaas, aan se’ liidnimo iyo agafaarnimo ku astaysnayn.
Ruux hankiisu meel sare halabsanayo, oo himilo iyo hindise toobboon leh baan ahaa. bal se’ ah mid carro-edeg caan ka ah, oo warac diric dhalay ah. Cadawgaygu waxa uu ahaa mid ka bidda oo ka baydada higil iyo hummaagayga marka uu arko.
Dhaqankaygu waxa uu ahaa mid suubban, kaas oo dhiddibadiisu ay yihiin, kuwo ku dhidban tiirarka ad-adag ee diinta Islaamka ah. Hiddahaygu waxa uu ahaa mid cuddoon oo, cayn iyo baydiisu ay ku cigaalan yihiin, caaddo aan ceeb lahayn iyo heemaal cuddoon oo cawo iyo ayaan badan. Ciddahaygu waxa ay ahaayeen tolal caqiibo iyo cuqaalnimo Casiiskay ku mannaystay, kuwaas oo wada ahaa sokeeye ka dhisaalan gacal iyo xigaal ay xididdada dhiigoodu ku wada arooraan geed gob ah, kaas oo ku baahay ku na camimay geyiga Soomaaliyeed oo idil.
Dharaarihii Aan Qaayo Beelay!
Rubaddaydii sidaa u dhisnayd, ee ahayd naf leh garashiyo aqoon looshan oo ay ku kala dhaaddi karto, maxa kuu nafci iyo naruuro nololeed leh? Maxaa se’ aan kuu lahayn dheef? Niddaam noocee ah baad ku heli kartaa naallo iyo samo? Waa kuma nuxuus iyo nujubka kugu dhex-jira ee noogi karaya nasabnimadaada? Yaa se’ naxli naxli dhaafay kuu haya oo nacab kuu ah oo doonaya inuu ku naafeeyo? Yaa se’ nimco, naruuro iyo nuur ay neecaw udgooni ku ladhan tahay la raba noloshiyo nasabkaaga? Waa yaabe, naftaydii qaayaha lahayd, ee waxaas oo dhan kala garan jirtay, ayaa maanta waxa ay noqotay in ay kala garan weydo, iskaba daaye in ay kala garatee, waxa ay noqotay naftaydii mid ah rubad amadhsan, oo agnaannimo iyo gabnonimo isugu darsantay.
Maanta xaalkaygu markii uu sidaas ahaaday, waxaa iga soo hadhay, inaan waxba qabsan waayo, oo aan isku tashan waayo, oo aan cataw iyo tawaawac ciirsado. Afkaygana waxa uun ka soo baxaya, weedho tiyaaqa oo ay ugu calaacal daran tahay, meerisyadan leh:
- --Eebbow geyiga Aakhiro iyo dunida guudkeeda
- --Mid uun bay galladi noo ahayd inaad na geysaaye
- --Gooddaado dhexe waa halkaan galabta joognaaye!
Waa anfariir iyo amakaag weyn e’, tallow maxa naftaydii sidaas u beddelay? Waa yaabka yaabkiise, annigu aan ba iska qaayo beelee, Maxaa se’ tolkayga Soomaaliyeed oo dhan wada shaasheeyey? Dad gidigoodba kala wada ufooda, maxa ka wada dhigay? Waa fajace, Ma anigii Soomaali sariigta ahaa baanan ahayn sidiisi? Wax aan jaahsamayn Ilaahay ma abuuree, waa yaabe waar mise naf sagagaran baa igashay? Mooyi! Garashadu waa haggaha nafta e’, meeday garashadaydii guunka ahayd ee gaaxsanayd? Kunkan maamul ee tollalkay wada samaysteen, maxaa looga waayey mid toosan oo daacad ah? Yaa ay u hardamayaan? Ma aniga? Ma adiga? Mise innaga? Mise Soomaali oo dhan? Mise reer jaan iyo jaxartii Xabashka ahayd? Mooyi, bal adba sheeg! Dharaaro qaayo beeley dheh!
Waa iska noolnahay loo ma noolaado, bal se’ macnaa loo noolaadaa. Dharaarahan qaayo beelay waxa ay dhalleen, kuwan la inoo dabray ee la yidhi “madax baa ay idiin yihiin oo xilkiinnay u dhiban yihiine raaca”, waxa aynaan garanayn halkay u jaldhaftamayaan, iyo waxa gobannimada leh ee ay weli soo hooyeen, markaas ayaa aynu weli u dabrannahay oo aynu dabo-jabacsanaynaa bartay maraanba, oo kaaga daranka aynu u kala dhimanaynaa.
Cajiib! Garan mayno danta inoogu jirta u-geyllamidda ah u kala jaqaafintooda aynu dabo-humbacanahay uun. Innaga (dhallinyaro ahaanna) oo ciishoonayna oo si niyad iyo nadartuba ah u xayraan tahriib dhaqaaqnay, ayaa waxa uurkeenna ka bug leh, mar-marka qaarna afkeenna ka soo baxaya, weedho tix iyo tiraab isugu jira oo calaacal, catow iyo quus miidhan ah. Weedhahaas ba’a iyo cabashadaa ah, waxa ugu cajiibsan mid caanka baxday, ee meerisyada gabayga ah ee leh:
- --Roob lacagoo da’ay daadadkoo raanta wada buuxshey
- --Intaan annigu soo roorayaa loo rafacayaaye
- --Ma Rasuul Allaan dilay risiqii layga rookeeye?
Barbaarow Rasuul Alle ma aaddan dilin ee adiga ayaa ah mid dellegen. Haah, waa runtay, adiga weeye midka maanka ka daaddufay ee xaaduq gaamuray uun dabo garmaameenaya. Nafta gobta ahi waa ta garashada leh, ee nolosha adduunyo intay nooshahay, Guulle mahaddii ku galladdeysata ee gobannimo ku garwaaxaysata, ama se’ waa midda god gasha ee u galbata dhankii loo badnaa ee aakhiro. Waaryaadhaheen, nafta geeri iyo Guulle mahaddii wax u dhexeeya ku gogobta ee dhex-galangalcoonaysa, ogaada naftaasi waa ta gunta ah, ee sida duur-joogta hadba dhankii loo gaaciyo u garmaamaysa. Waa na sida lax dhukan oo kale. Dhallinyarooy waxa aan idiin leeyahay:
- --Naftu waa maqnow amase mahad ku noolow e’
- --Waa miiskaan nahay haddii mid u dhexeeyaa
Naftaas aan mahad ku noolayn, haddana aan maqnayn, oo aan aakhiro jirin, ogow Soomaaligow in ay taasi tahay ta fongorada aha ee kugu jirta ee is-foocaarinaysa. Hayga yaabin, haddii aan ku dheho “lax dhukan baad tahay”, waayo? Halkii jabaqi kaaga baxdo, xitaa haddii ay tahay shanqadh cadaawe, waxa aad tahay Soomaaliyow, nafta u cararta oo afka uga gasha. Wax ma aragto, isu qaba ildheer, aqalka loo soo gashuu sheegayey Guhaad Cabdi Gahaydh Ilaah ha u naxariistee, ma waanay ahayn adi Soomaaliyow? Bal se’ lax dhukan iyo tilmaantaas uu Guhaad sheegay, miyaanay isku mid ahayn? Haa, haayoo waa ay tahay wallaahay.
________________________
W/Q: Guddoomiyaha Akaaddemiyada Dhaqanka Cakaara
Comments
Post a Comment