Gabayga: Aqoon Korodhsi
Barashada aqoontu
waa mid ku waajib ah in qof kasta oo Muslim ahi barto (rag iyo dumar), waa na
mid diinteennu ina farayso. Waxa aynu arrinkaa ka garan karnaa inuu Eebbe rasuulkeeni
(NNKH) faray inuu ku jalbeebto "Rabbigayow ii kordhii Cilmi".
Cilmigu waa mid
qofka u noqda ileys uu wax ku arko, Eebbena uga ma deeqo qof aanu raalli ka
ahayn. Cilmiga oo la bartaa waa midka kuu sahlaya inaad qaadid marinka jannada
loo maro. Nebigeenni udgoonaa (NNKH) waxaa laga soo wariyey inuu yiri: "Ruuxii doorta ama
mara dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada".
Agafaarnimadu (jahliguna)
waa midka kugu hagaya wadiiqooyinka yaryar ee toos kugu ridaya waddada weyn ee mugdiga
iyo mahlakada ah ee jabiyo halaagga leh, taasina waa midda sida ay kuu sii wado
ugu dambeeta kugu ridaysa naaraha ba'an ee Jahanama iyo Jaxiimada ah.
Arinta ugu wayn ee
waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah horumar dhinaca kasmada (garashada) ah,
xiskuna waa furaha ileyska ee nolosha. Qofku waxa nolol maamuus iyo karaamo ay
ku dheehan tahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. Sida oo
kale dal waxa uu koraa oo uu hormari karaa, waa marka ay jiraan bulsho dhaqan
iyo dun ahaan u suubban oo heeggan u ah inay dalkooda hormariyaan. Dadku waxba
ma ay hidin karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen. Arrintaasina
waa sababta kaliya ee uu geyigeena Soomaliyeed uga bixi la’yahay burburka una
noqday guri ba'ay 25 gu.
Dheefta weyn ee
cilmigu leeyahay ee Aadanuhu ka dhaxlo markuu barto, waxa si foollaadsan
bullshadeenna ugu baraarujinaya tixdan la magac baxday “Aqoon-korodhsi” oo uu Abwaan Cabdiraxmaan Xiiray tiriyey 24-2-2015. Abwaan Xiiray waxa uu na
yiri:
·
Adduunyada aqoon korodhsibaa lagu kifaaxaaye
·
Kaah madowga lagu suuliyoo weeye kaafiya’e
·
Ragga inay kulaaleen dayaxa sheegay kaligooda
·
Ee weliba kaynaanayee kor u hayaamaaya
·
Iyo sida kalluunkii badaha qaar dhex kolonyaysta
·
Cilmigaa markay korodhsadeen kaartadaa baraye
·
Duulkaan aqoon kobocsan baa kaalintood gabaye
·
Kufitaan ma waayaan hadday kubabka qaadaane
·
Kob cagaarle reer kuma furaan kamana baaqaane
·
Kala durugsan xeel iyo kartiba labadan
kooxoode
·
Kuwaa yaydun keefiyad la noqon boodhka
kuududa’e
·
Dadkeygow caqliga kaasho oo kori aqoontaada
·
Jiiddadana dhacan baa kor taal kadinka xoolaha’e
·
Labadooda kaalmood mid baa dhowrta kaafida’e
·
Ta kalana kalkaal bay u tihiyo laga-ma-kaaftoone
·
Kala mudan aqoontuna kolkaad kaasho leedahaye
·
Diinteennaa karaamada iska le koonkan waxa
yaale
·
Maaddadii kalee lagu kabaa korodhsi weeyaane
·
Idinkoo sidaa ugu kalsoon boqorka kaalmaysta
·
Oo hore u sii kaca wahsigu faashilnimo keenye
·
Cilmigana fudayd kuma kasbado ruux u kuur-galaye
·
Waa shay kilaal oodan iyo kadar dhexdood yaale
·
Idinkoo kufoo-kaca dhibtana karahsan mooyaane
·
Jacbur koodad-kiinoon ciradu galinin koy koyga
·
Ceelkaa karkaarada fog iyo kaabadaha dheer le
·
Kalax howl yaraan ugu dartaan haw kadlaynina’e
·
Kasha samirka waa ina bartaan malaha
kayr-kayre
·
Adduunyadana dheef aan kul wadan kuudud lagu waaye
·
Masaal kuu cadayn kara haddaan keeno
maraggiisa
·
Haddaan inan rag keenada ku qaban qaalin kurus
wayn le
·
Oon u kaalin qaad laylyi ogi subax u kooraysan
·
Kambalkana ku xidhin geed intuu kalidii
dhuuxyeeyo
·
Casarkana karbaashiyo ku rarin heeryo kala
kaana
·
Gurgur qaad kolnaba muu noqdeen ubad kor seexdaane
·
Kuraygiyo haweenkuna hoggaan kuma kexeeyeene
·
Cilmigana haddaan sida kudkude loogu kogin
diifta
·
Oon loo kadeed mudan ciyaar kooras lagu waaye
·
Dadkaygow caqliga kaasho oo kori aqoontaada
·
Karinkiisa geeluna markuu kadin irmaan waayo
·
Kabbo taxarra heenkeed haddaan lagu kor joogaynin
·
Oon marada iyo loo karkaran kabaha jiilaalka
·
Markuu roob kaliishii unkado loo kal
tirinaayey
·
Ee keymo saacliyo af-meer kooban lagu
foofsho
·
Dambar iyo karuur aadamuhu kama durduurteene
·
Cilmigana haddaan sida kudkude loogu kogin
diifta
·
Oon loo kadeed mudan ciyaar kooras lagu waaye
·
Dadkaygow caqliga kaasho oo kori aqoontaada
·
Afartaa haddaan kuu kamilay kaafka laga qaaday
·
Oon kaalintii ila mudnayd talo ku soo koobay
·
Afar kalana aan koradhsanee bogo kalaamkayg
·
Ummadduhu wax bay kaydsadaan tooda kaafiya’e
·
Markaasay cidday waxa u karaan weliba kaalaane
·
Teenana kabriid ay shitaan keenna laga waaye
·
Kartiduu Ilaahay gashaday way katibiyeene
·
Wixii kabi lahaa horumarkay karahsanaayaane
·
Qabiil bay ku koomeysanyiin kaday hankoodiiye
·
Kaal dhiig le iyo boobeyaal kura ma daayaane
·
Kabaalkood wixii uu ku jabay laga kaxayn waaye
·
Dib u dhaca Olaahoow ka kori lagu karbaashaayo
·
Ooy koonkan duulkii noqdaan lagu karaameeyo
·
Idinkuna dadyahow waxa kastaan nolosha
kaaheeda
·
Oo khayrka kiish wayn u tola waydun karaysaane
·
Kimistana wax dhoof kaaga yimid kubo ma deeqaane
·
Ciiddiinan kaydka ah fashoo beerta kadab kiina
·
Badahana kalluunsada nimcadan kadinka soo
joogta
·
Xooluhuna kow bay kayiin kaysaha adduune
·
Dheeftooda kadab aan lahayn karahday ruuxdiiye
·
Iyagana u kuurgala si aad ugu dhaqdaan kaynta
·
Oo keena aayaha wixii idiin kafaynaayay.
___________________________
W/Q: Qaryaan Maanmaal Buureed
Comments
Post a Comment