HABABKA UGU HABBOON EE LAGU HORUMARIN
KARO HUWANTA (CIIDAN) GAASHAAMAN
W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan
(Sole-maan)
Waxa
jira qaabab badan oo lagu dhisaalo quwada, qaayaha iyo quruxda ciidamada
qaybahooda kala duwan, kuwaas oo u baahan halgan iyo hagarbax aad u weyn si loo
gaaro horumarka ciidanku tabayo oo looga baxo dhibaatooyinka kala gedisan ee
soo food saara askariga ama sarkaal Soomaaliyeed ee heeganka ugu jira difaaca
dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa.
Nidaaminta isku qob-tolan ee lagu habeeyo hannaanka huwanta gaashaaman waxa
saldhig iyo ubad-dhexaad u ah tababarka noocyadiisa kala duwan si loo carbiyo
ciidankii ciidan cadawga ka ilaalin lahaa, dhanka kale nidaamka hagaajineed ee
ciidamada Soomaaliyeed waxa uu rabaa naf hurid iyo deddaal haddii ay noqoto
heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba.
Hab dhigaalleedka maqaaladaydu waxa ay u dhisan yihiin qaab leh sharaxaad guud
oo aad u faahfaahinaya nidaamka foollaadka ah ee loo yaqaano erayo muhiima ah
(key words) oo maqaalku ku dhisaalan yahay sida kuwan hoos ku xusan:
L/N 1 2 3 4 5 |
ERAYO
MUHIIMA
Habab
Habboon
Horumarin
Huwan
Gaashaaman |
Horumarintu: waa nidaamka
koritaanka iyo isbeddelada ee lagu hago qaybaha bini aadamka gaar ahaan
arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda si bulshadu ugu madax
banaanadaan hawlahooda guud ahaan iyo gaar ahaan ba.
Habboontu: waa in is hufan oo hannaansan loo maareeyo hawlaha kala
gedisan ee ciidan, maamul, urur, haay’ad iyo iwm si loo gaaro isku filnaansho
toobboon lagu hilmaami karo dhibaatooyinkii ragaadiyey hawlaha qaranka gaar
ahaan ciidamada qaybahooda kala duwan.
Hababku: waa qabaab waxa lagu dhiso ama lagu dhisaalo si loo gaaro
natiijooyin hagaagsan oo lagu soo hirto kuwaas oo ka kooban nidaam ahaan,
maamul ahaan, murtinimo, maan-furnaan, minqexid, maamuus iyo wixii la
hal-maala.
Huwantu: waa awoodda iyo cudud ciidan ee qaran lagu dhawro
lagu na dhaahiyo harumarkiisa bulsho, dhaqaale iyo siyaasad si loogu xorroobo
culasyada deddan iyo daalacan ee burburinaya waddanka iyo shacabka ba. ciidanku
waa naftood hurayaal dhiiggooda iyo dheecaankooda laga garab jooga dhulkooda
hooyo ee hodonka ah si aan cadawgu uga dhadhamin dheefta dhulkanu leeyahay
cidda kaliya oo ka difaaci karta waa huwanta gaashaaman (ciidanka).
Gaashaaman: waa habka toobboon ee lagu qalabeeyo cududa
ciidamada qaranka heer fedaraal iyo heer dawlad gobolled ba si ciidamada
qaranku ula diriraan cadawga gudaha iyo kan dibada dalkuna u helo ammaan iyo
kala dambayn laysku halayn karo. Qalabka ciidamadu waa noocyada kala gedisan
sida hubka, rasaasta, tuutaha, kabaha, koofiyada, gaaddiidka iyo iwm.
SOO-TIILADDII QURUXOONAYD EE CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYEED
Qormo
qoraalleedkan waxa aad ugu faahfaahinaynaa quruxdii iyo qiimihii uu lahaa
ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo horumarkii ciidannimo uu gaaray waayihii
kala duwan ee uu soo maray dhanka kale ciidan kasta oo ka mid ah afarta qaybood
ee kala ah Booliska, Xoogga dalka, Asluubta iyo Nabad-sugida iyo Sirdoonka
Qaranka taariikhdooda si tuban ban u kor istaagaynaa.
Sannadii 1960-kii
markii uu dalku qaatay xornimada ayaa waxa la isku daray labadii qaybood
ciidamada booliska koonfur iyo waqooyi, waxaa na si rasmi ah loogu bixiyey
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kana koobna 3,700 oo asrkari.
Sannadii 1961-kii
waxa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee Booliska Soomaaliyeed,
kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax
alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.
Isla
Sannadkaasi 1961-dii waxa Booliska Soomaaliyeed loo aasaasay qaybta cirka oo
iyagu sahayda u qaadayay saldhigyada meelaha fog fog ku yaalla, waxa ayna
isticmaalayeen oo la siiyey diyaaradihii yaryar ee loo yaqaanay Jesna iyo
Douglas DC-3.
Sannadii 1971-dii
ayaa waxa la abuurey qaybta dab-damiska oo ka tirsanayd Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed, waxaa na lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.
Wixii
ka dambeeyey sannadihii 1970-meeyadii waxa ciidamada Booliska Soomaaliyeed
tababaro u fidiin jirey dowladdaha Jarmalka Galbeed, Talyaaniga iyo Mareykanka.
Askariga
waxa uu marayaa tababar 6 bilood ah ka hor inta uusan ku biirin
ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay qasab ahayd in uu gurmad ahaan ku shaqeeyo
muddo 2 sano ah, kaddibna codsi hor leh uu dhiibto si uu ciidamada uga mid
noqdo si rasmiya.
Marba
marka dambaysay ciidamada Boolisku tayadooda, tiradooda iyo awooddoodu ba waxa
ay ahayd mid kor u kacaysa ilaa heer dalku gaaray dembiile kasta oo dembi gala
in warkiisa la mariyo raadiyaha dalka waqtina loo qabto uu ku yimaada saldhig
hebel ama maxkamadda deegaanka uu jooga. Hadda se’ dembiilaha waxa lagu soo
qabta gaaddiid ciidan iyo awood ciidan oo aad u xooggan waqtiyada qaarkoodana
waxa dhac isku dhacayo laga la kulmo dembiilaha iyo cidda difaacaysa oo sababa
dhimasho iyo dhaawac.
Taariikhda
ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waa Sooyaal guun ah oo hadda jira nus qarani
iyo ka badan, bud-dhigiisu waxa uu ah 12-kii Abriil sannadkii 1960-kii,
ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa na ka soo wareegay aasaaskoodii muddo
dhan 59 sano.
Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa lagu alkumay ciidan tiro ahaan ka kooban 2,000
oo askari waxaa na loo qaybiyey 8 horrimood, hurin kastana waxa ay tiradeedu
ahayd 250 ciidana oo leh saraakiil, dhakhaatiir, raadiyaystayaal iyo iwm, waxaa
na ciidankaasi laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada Koonfureed ee
gumeystihii Talyaaniga gumaysan-jiray, waxa kale oo jiray ciidamo gaarayay
1,011 askari, 500 oo askari oo ka mid ahaa laga na keenay Waqooyiga Soomaaliya
“Somaliland British Protectrate” iyo 511 askari oo ka soo badeshay ciidanka
Booliska Soomaaliya lana socday Sarreye-guuto Daa’ud Cabdulle Xirsi (Faynuus).
Markii dambe na waxa ay gaareen tirooyinkii lagu qiyaasay 300,000 ilaa 500,000
oo ciidana.
Ciiidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxa uu soo maray xilliyo iyo marxalado
kala duwan oo ay midba mida kale ay duwanayd oo lahaa qumananteeda iyo qiimeeynteeda
gaarka ah, goor iyo goob kastana waxa ay lahaayen mudnaano leh guulo
taariikhiya oo lama ilaawan ah iyo guul darooyin aan badanyn.
Ciidanka
Asluubta Soomaaliya waxa la aasaasay 22 Febraayo 1970-kii, waxaa na ka soo
wareegtay muddo ku siman 50 sano, dhanka kale waxa ay ahayd markii ugu
horreysay oo Ciidanka Asluubta dhidhibada loo taagay, waxa na aasaasay
madaxweynihii Dawladdii Kacaanka Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Bare (AUN).
Ciidamada
Asluubta Soomaaliyeed waxa ay gaareen heer aad u sarreeya oo horumarineed sida
tababaradda ciidamada, qalabka, bil goosiga, addeegyada kale ee ciidanka sida
saadka, addeegyada caafimaadka iyo beerashada iyo tabaca dhulkeenna hodonka ah
.
Hay’adda
Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxa la aasaasay sannadku markii
uu ah 08-dii Janaayo 1970-kii oo hadda laga jooga muddo dhan 50 sano,
xarunteeda ugu weyn waxa ay ku taalla magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqadisho,
bulshada iyo qaranka soomaaliyeed waxa ay u qabtaa hawlo culculus oo leh
saamaytooda.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ka
shaqeysa arrimaha sirdoonka, sida oo kale hay’addan waxa ay ku shaqeysaa danaha
dawladda Soomaaliya, ujeeddada uga weyn ee NSS loo sameyey haddana loo yaqaano
NISA oo ah soo uruurinta iyo helista xogaha lagu badbaadinayo dalka, dadka iyo
diinta lagagana badbaadinayo cadowga dalka ku soo wajahan iyo ilaalinta sirta
iyo danaha ummadda iyo dawladda Soomaaliyeed.
Markii
maamulka dalka uu hoggaaminayay Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre, ciidammadii
qaranka, waxa ay horumar aad u weyn ka gaareen dhinaca dhismaha iyo farsamada
oo ahayd mid aad u heer sarreysa, waxa ay na ka qayb-qaateen dagaallo iyo
howl-gallo nabad ilaalin ah, kuwaas oo ay ka fuliyeen dawladdo ka tirsan
qaarada Afrika oo ay ka mid ahayd Yugaandha, arrintaasina waxa ay keentay in
ciidamada qaranka Soomaaliya lagu magac-dhabo Libaaxyada Afrika.
Ciidamada
dalka Soomaaliyeed waxa ay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Xabashida ee
Itoobiya taariikhdu markii ay ahayd 1977-kii, dagaalkaas oo noqday mid
taariikhiya oo lama filaan ku noqday dawladihii caalamka ugu waaweynaa ee ka
kala tirsanaa gaashaanbuurtii Naato iyo Waarso oo ay kala
hoggaaminayeen dallalka Mareykanka iyo Ruushka. In kasta oo dagaalkii
dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay si toos ah faro-galin ugu
sameeyeen Dowladiihii Midowgii Soofiyeeti, hadda na waxa hubanti ahaan lahayd
in Itoobiya ay gacanteeda ka bixi lahayd dhulka Soomaali Galbeed ee hadda
gacantooda ku jira.
SOOYAALKA MADOW EE KU GADAAMAN CIIDAMADII QARANKA
SOOMAALIYEED
Ciidamada Soomaaliyeed waxa ku gadaaman soo-tiillooyin aad u fool xun oo laga
dheehan karo burbur iyo baa’ba ciidannimo oo aad u baahsan, taariikhdaas oo
intooda badan dhacay burburkii dalka ee 1991-kii kadib, markii ciidamadii
qaranku qayb buuxda ka noqdeen dagaalladii sokeeye ee lagu hoobtay oo ummaddii
Soomaaliyeedna isu dileen qabiil qabiil lagana dhaxlay dhibaatooyin kala ah
burbur dal, dhac hantiyeed, qaxooti, qabyaalad, dhaqmo shisheeye qaadashadood,
addeegyo lacagaha sida waxbarasho, caafimaad, biyo, koronto, raashin iyo iwm.
Sooyaalkaas madow waxa uu ahaa mid aad u il-daran oo burburiyey hannaankii iyo haybadii
ciidamada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen saaxda dunida ee lagu muujiyo cududa
ciidamada caalamka, taariikhda mugdiga ee ciidanku gacantooda ku hirgaliyeen
wali waa mid ka jirta inta badan xeryaha ciidamada dhexdooda oo xero walba waxa
lagu maamula hab qabiil waxa na horseed u ah kaabo qabiilo haysta hubkii
dawladda oo noqday hanti reer leeyahay.
Awood kasta oo dunida burburta mahan mid fudud ku baa’bi karta ilaa ummadda
talada haysaa qayb buuxda ka noqoto baabi’inta awooddooda iyo sharafka Rabbi u
hibeeye, suggaanta Soomaaliyeed waa tii horey u tiri: “hibo Eebbe ku siiyey
habeen lays kama qaado” gebi ahaan ciidamada Soomaaliyeed waxa ay
gacantooda ka saareen miligihii, maamuuskii, mudnaantii iyo mustawihii
ciidannimo ee ay dunida ku lahaayeen.
Haddii nidaamka dawladnimo xumaado hubaashii jawaabteeda mahan burburi dalkaaga
iyo dadkaaga si talada hadda jirta loo suuliyo hase ahaate waa fikrad fool xun,
addeegso hab ilaalinaaya horumarka dalkaaga oo suulin kara nadaamka dawladdnimo
ee aad diidan tahay. Dawladda xun waxa ay ka wanaagsan tahay dawlad laa’anta
dhabtii tijaabada rasmiga ah waxa dhaxlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta
joogta, qarramo badan oo dunida ku yaala oo daawanayey burburkii ummadda
Soomaaliyeed kuma cibro qaadan habka dawladda dhisan loo dumiyo iyo dhaxalkii
Soomaalida sida dallalka Suuriya, Liibiya, Ciraaq iyo Yaman oo maanta u
burburay sidii qarankii Soomaalidu sodon sano ka hor ku burburay.
Qaran dhisnaa oo burburay aad bay u adag tahay soo celintiisu sababtoo ah waxa
burbura adduunka waxa ugu xun waa maanka, haddii maskaxda ummaddu noqoto mid
door biday burburka iyo baa’ba, xaqiiqdii horumarkii iyo kala damabayntii
dalkaas mahan mid si sahala lagu soo celin karo.
QAABABKA QURUXOON EE CIIDAMADA LAGU HORUMARIYO
Ciidamada dunida waxa lagu dhisaa habab doorran oo ka turjuma hannaankooda
maamul iyo difaac ba si daljirka walba uu dalkiisa nafta ugu huro, dhanka kale
qiimaha iyo quwada ciidannimo waxa mutaxa tababaradda wanaagsan ee la siiyo
ciidanka, tababarkaas oo ciidamada ku dhiirrigaliya in ay dhiiggooda si
xirfadaysan ugu shubaan ummaddooda iyo waddankooda ba. Qaababka quruxoon ee
ciidamada lagu horumariyo waa kuwan hoos ku xusan:
Ku
Xirnaanta Rabbi (sw)
Tiirka ugu horreeya ee lagu gaari karo horumarka ciidamada qaranka qaybahooda
kala gedisan waxa weeye ku xirnaanta Alle (sw) oo ah oofinta waajibaadka iyo
sunayaasha Eebbe nasahanaa oo koreeye kugu waajib yeellay, hirgalinta
waajibaadka Alle sida Salaaddaha, Soonka, Sakada, Sadaqada, Wanaag oo dhan, ka
harista Xumaanta oo ah qaadka, sigaarka, khamriga, sinada, xanta, beenta, dilka
ruux muslim ah oo aan waxba galabsan, dhaca hantida dadweynaha iyo dawladda. U
dhawaansha Rabbi waxa laga dhaxlaa oo laga dheefaa xasilooni, sharaf, maamuus,
kalsooni, dhawrsanaan, qurux iyo aaminaad.
Deegaan
Degan
Habka toobboon ee ugu horreeya hirgalin karana horumarka ciidamada waxa ka mid
deegaan aad u wanaagsan oo leh xasilooni iyo deganaasho rasmiya, deegaanka
degan waxa uu ka qayb-qaata dabeecadaha iyo hab dhaqanka suubban ee daljirka
dalkan loo carbinayo. Askari iyo sarkaal walba oo ka tirsan cutubyada kala
gedisan ee ciidamada qaranka heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba waxa uu
xaq u leeyahay helitaanka deegaan jawigiisu degan oo ah goob waxbarasho si
horumarka ciidamadu u noqdo mid tisqaada oo hubaashii lagu nasto lagaga na
dheeraado gabood falyda ciidanku geysto alaaba oo sabab u ah goobaha ay kusoo
qaatan tababaradda ama deegaanku ah oo aan ahayn goob ku habboon ku noolasho
iyo waxbarasho ba. Tusaale xeryaha ciidamadu intooda badan mahan goobo u
diyaarsan tababaro, deganaasho, waxbarasho, xafiisyo maamul iyo iwm, taasna
dhabtii waxa laga dhaxlay askari iyo sarkaal aan aqoon iyo waayo-aragnimo u
lahayn shaqada uu qabanaayo sida uu rabo na u addeegsada awooddaha qaranka heer
fedaraal iyo heer maamul gobolleedba.
FG: Dawladdii kacaanka ee dhistay awoodda iyo cududa
ciidamada qaranka qaybahooda kala duwan ku fanaan waxa ay deddaal faro badan ku
bixin jiray in ciidamadu helaan deegaan leh xasilooni iyo deganaasho rasmiya si
askari iyo sarkaal ciidanku u noqdo mid cuddoon oo ay u dhan yihiin dhammaan
addeegyadii ciidannimo sida saad, saanad, tababar, waxbarasho, gaaddiid,
dhismayaal hooya, beero kala gedisan, dhul hantiya iyo darajooyin ciidan oo leh
mudnaantooda. Deddaaladaas waxa laga dhaxlay ciidan aad u habaysan oo leh
hannaan iyo haybad ciidannimo oo baaxad leh.
Tababar
Toobboon
Tababarka wanaagsan ee tayadiisu aad ka u sarrayso waxa laga dheefa awood,
masuuliyad, maamul hoggaamineed, maan-furnaan, himilo hankeedu sarreeyo iyo
qaab dhismeed jir ahaaneed oo aad u qurxoon. Tabobarka ciidannimo waxa uu bahan
yahay macalimiin tababar oo aad u diyaarsan lehna tababar aad u sarreeya dhisi
karana ciidamada qaranka qaybahooda kala duwan heer dawlad fedaraal iyo heer
dawlad gobolleedba, dhanka kale tababarka waxa loo qaybiya labo qaybood oo kala
ah kuwan hoos ku xusan:
Tababarka
Garoonku: waa habka koowaad ee
ciidanka laga carbiyo si loogu diyaariyo hawlaha qaranka u yaala qabashadooda,
waxa ka mid ah tababaradaas sida orodka, beer dhigashada, jimicsiga qaybahooda
kala gedisan, dab ridka (shiishka) iyo noocyada difaaca sida weerarka,
gabashada, gadaal u gurashada, gufays qaadashada iyo iwm. Tababarka garoonku
waa mid leh waqti xadidan oo lagu dhisaalay tirade boqolayda aha ciidamadu na
waa ku kala duwan yihiin, tusaale ahaan ciidamada Booliska tababarka garoonka
waxa uu noqda 20-30%.
Tababar
Maskaxeedka: qaabkani waa nooc
labaad ee askariga ama sarkaal lagu dhiso si uu waddankiisa ugu addeeggo si
habsami leh, tababarkanu waxa uu daaran yahay in ciidanka loo diyaariyo qaab
maskaxaysan oo leh dhiiranaan iyo dhiifoonaan aad u sarraysa oo ah in la baro
hab la dhaqanka bulshada, u addeegsiga awoodda ciidan sida toosan, u dhimrinta
dadweynaha, hirgalinta shuruucda dalka, xabadu in aysan xal noqo oo aan isna
loo addeegsan karin ilaa shuruucda ku fasaxaysa waqtigood yimaadaan iyo ka shaqaynta
caddaaladda iyo sinnaanta bulshada iyo ciidanka dhexdooda, docoda kale
boqolayda tababarka masakaxeed ee ciidamada qaybtood sida Booliska waxa lagu
qiyaasa 70-80% oo ah dhigista duruusta cilmiyeed ee lagu dhigo buug lagu na
qaro qalin.
Aqoon
Diini iyo Maadi
Ciidanka waxa horumarkooda bili kara aqoon diiniya iyo mid maadiya in la baro
daljirka si uu dalkiisa ugu addeeggo, tabta ugu habboon ee lagu cimaamaday
culuumta shareecada iyo duruusta kale ee maadiga ah, waxbarshada ciidamada waxa
ay anfacayaa naftooda, dadkooda, dalkooda, iyo deriskooda sababtoo ah kolka
askarigu leeyahay aqoon waxa uu buuxin karaa hawlo badan oo qaranku leeyahay
heer dawlad fedaraal iyo mid maamul gobolleedba. Askariga ama sarkaalka leh
aqoon diiniya iyo maadiya ba waxa uu ka shaqo wanaagsan yahay ciidamada aan
intaa lahayn waa haddii uu is wanaagsan u addeegsado nimcada Rabbi ugu deeqay.
Hoggaamiye
Suubban
Hoggaamiyaha wanaagsan ee hoodaarka ah sidoo kale hormuudka u ah huwanta
gaashaaman waxa uu ka mid yahay horumaradda ciidanka ee ka gudbin kara
marxaladdaha adag ee aadka u qalafsan si dalku u helo ammaan iyo kala damabayn
waarta. Hoggaamiyaha suubban ee ciidanka waxa laga rabaa in uu noqdo qof
caadila oo ciidamadu u siman yihiin, dhanka kale waxa looga baahan yahay inuu
leeyahay gacan furan, guddoon adag iyo gar-qaadid loo siman yahay kuna
dhisaalan caddaalad iyo sinaan ciidannimo. Hoggaankaasi waxa uu horseedi karaa
horumar iyo dhiirasho ciidan oo lagu dhisay awood iyo waayo-aragnimo guro fog.
Qalabayan
Dhammaystiran
Horumaradda ciidamadu doonayaan waxa ka mid ah qalabayan dhammaystiran oo dhan
ciidan ah sidoo kale qalabka ciidanku loogu qalabaynayo waa inuu noqdaa mid
tayadiisu aad u sarayso si askariga ama sarkaalku naftiisa, diintiisa, dalkiisa
iyo dadkiisa ugu difaaco hubaashii qalabka wanaagsani waxa uu ciidanka ku
dhiirrigalinayaa gudashada waajibaadkiisa rasmiga ah ee laga rabo dalkuna u ooman
yahay.
Addeegyo
Isu Dheellitiran
Helitaanka addeegyo dhammeystiran waxa ay ibo-fur iyo ubad-dhexaad u yihiin in
dalku hantiyo geesiyaal qaran oo awood u leh dhawrista iyo ilaalinta dhulkooda
hooyo si loo helo ammaan iyo nabad gelyo laysku halayn karo bar-tilmaameedkeeduna
yahay askari ama sarkaal dhiifoon ee waddankiisa wadaha u hibeeyey. Addeegyada
ciidamadu u baahan yihiin waxa ka mid ah addeeg caafimaad oo dheellitiran,
rashiin tayadoodu sarrayso, gaaddiid ciidan oo habaysan, xafiisyo ciidan oo heer
aad u sarraya u qalabaysan. Tusaale hirgalinta dhammaan xarumihii caafimaadka
ee ciidamada qaranku lahayeen si ciidanku u helaan daaweyn tayadeedu aad u
sarrayso loogana maarmo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, dhanka
kale waxa jira ciidamo badan oo aan helin daryeel caafimaad oo sax ah iyo
waliba qoysaska askarta iyo saraakiisha ciidanka oo aan helin daryeel caafimaad
oo waafiya mararka qaarkoodna waxa dhacda in ay u geeriyoodaan addeeg la’aan
caafimaad oo aad u badan kana jirta gobollada dalka oo dhan.
Dalacsiin
Darajo
Horumarka ciidamada waxa qayb buuxda ka ah dalacsiinta askarta iyo saraakiisha
ciidamada qaybahooda kala duwan, dalacsiintaasina waa in ay noqotaa mid ku
dhisan sifo sharciya oo ku qotonta caddaalad iyo sinnaan darajo, askari iyo
sarkaal walba oo loo xirayo garaadaha ciidannimo waa in ay noqotaa waxa uu
shaqaystay noqon se waxa uu jeclaaday ama lala jeclaaday sababtoo ahaa
arrimahaasi waxa ay burburiyaan haykalkii iyo nidaamkii ciidannimo ee samata
bixin lahaa dalkan, dhanka kale caddaalad darrooyinka baahsan waxa ay
baabi’iyaan horumar walba oo uu waddan leeyahay ama hibanaayo mustaqbalka dhaw
iyo kan dheer.
Dheefsiga
Awoodda Ciidamada
Addeegsiga quwadaha Rabbi dhaxalka uga dhigay ciidamada qaranka qaybahooda kala
gedisan sida Booliska, Xoogga dalka, Asluubta iyo Sirdoon heer dawlad fedaraal
iyo mid maamul gobolleedba, awooddaha oo loo addeegsanayo sida wanaagsan ee
ummadduna dhex u tahay oo leh dheefsi waxsoosaar sida tabaca beeraha,
dhismayaasha hantida dawladda oo xeryaha ciidamadu qayb ka yihiin, nadaafadda,
ilaalinta deegaanka, wax-ka-qabashada hawlaha danta guud ah, la dagaalanka
cadawga gudaha iyo dibadba iyo iwm.
Joojinta
Beegsiga Dadweynaha
Horumarka ciidanka waxa aad uga qayb noqda dadweynaha hase ahaate beegsiga ciidamada
ee ku wajahan shacabka qaybahooda kala gedisan waxa laga dheefaa ama laga
dhaxlaa wada shaqeyn la’aan iyo colnimo guro dheer oo salka ku haysa beegsiga
joogtada ah ee ciidamada ka timaada, askarta iyo saraakiisha waxa loo bahan
yahay in ay ilaaliyaan nafta muwaadinka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan,
horumarka ciidanku hubantidii noqon maayo mid si waafiya u hirgala maxayeellay
cashuurta ciidanku bil goosiga (mushahar) u qaatan waxa bixiya shacab
Soomaaliyeed, “cashuurtii aad noloshaada ku kabaysay ciddii laga qaadayey
haddii aad disho horumarkaaga yaa u maqan”.
Askari ama sarkaal addeegso maanka Rabbi kugu manaystay si aad u ogaato qiimaha
iyo qaayaha uu leeyahay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba muwaadinka aad dilayso,
muddooyinka dambe waxa ay ciidamadu caado ka dhigteen qor-goynta waddayaasha ka
shaqeeya gaaddiidka dadweynaha sida basaska (bii’elka), bajaajta (dhugdhugley)
iyo iwm, sidoo kale gabood faladaas waxa dhibaatooyin kasoo gaaran qaybaha
bulshada rayidka ah ee la socda gaaddiidka dadweynaha.
GUNAANADKA
QORMADDA
Maqalkanu
waxa uu si foollaadnimo iyo faahfaahsanaan ba leh u qaada-dhigaya hannaanada
ugu toobboon ee hagi kara horumarka ciidamada Soomaaliyeed heer dawlad fedaraal
iyo heer maamul gobolleedba, hanka askariga iyo sarkaal Soomaaliyeed waxa
toosin karaa oo tilmaan buuxda qarankan uga dhigi kara waa ka tanaasulka gebi
ahaan arrimaha aan u wanaagsanayn sumcada iyo karaamada ciidanku leeyahay.
Ugu
damabayntii maqaalkan waxa aan ku soo gebagebaynayaa talo bixin muhiim u ah
horumarka huwanta (ciidanka) gaashaaman oo ah cudud iyo cololka ku dhiirrada
ilaalinta dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Ciidamada soomaaliyeed
horumarkooda waxa kor u qaadi karaa ka tanaasulka waddada khaldan ee
muddoyinkii dambe oo dhan ay ku socdeen sida qabyaalad oo ah aafadii
qarankeenni burburisay, qaadka iyo balwadaha kale oo waddanka Soomaaliya ka
dhigay bar madoow oo qashan quba oo ku taala khariirada (map) dunida.
Gunaandkii
dhalinyaradda aqoonta, indheer garadnimada iyo waayo-aragnimadba leh waxa aan
ku dhiirrigalinayaa in ay qayb buuxda ka noqdaan horumarka ciidamadoodu u
baahan yihiin sida taageerida ciidanka, ka mid noqoshada qaybaha ciidanka,
waxbarista ciidamada aan aqoonta lahayn, baraarujinta bulshaweynta Soomaaliyeed
ee ka qayb-qaadashada horumarka ciidankooda iyo hirgalinta habab
dhiirrigalineed.
Dhanka
kale dhalinyaradda Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay hirgalinta nidaamyo
taakulo oo ciidanka qaranka qaybahooda kala duwan lagu taageeryo sidoo kale na
ku deddaalaan fulintooda qorshayaashaas , taakulada ciidanku waxa ay
dhiirrigalin u noqonaysa ciidamada qaranka noocyadooda kala duwan sida
Booliska, Xoogga Dalka, Asluubta iyo Sirdoonka heer fedaraal iyo mid maamul
gobolleedba.
Comments
Post a Comment